Xiisad saaka laga dareemayo degaano ka tirsan Gobolka Togdheer

156

Waxaa saakay xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa deegaano hoostaga Magaalada ee Buuhoodle ee Gobolka Togdheer oo shalay dagaal xoogan uu ku dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas ka wada-dega.

Dagaalkan u dhexeeyay Maleeshiyaadka ayaa waxaa uu salka ku haaya arrimo la xiriira dilal aano qabiil ah oo horey u dhacay, waxaana sigaar ah uu uga dhacay dagaalka deegaan lagu magacaabo Horufadhi, iyadoona uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay Horufadhi oo labada dhinac, halka dad kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la dhigay Xarumo Caafimaad.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in saakay xiisad dagaal laga dareemayo deegaanka Horufadhi iyo tuulooyin kale oo ku teedsan, taasi oo u dhexeeysa Maleeshiyaadkii dagaalamay, waxaana la sheegayaa in dhinacyada ay wadaan dhaq-dhaqaayo Ciidan.