Xildhibaan Daa’uud Nuur oo ku geeriyooday dalka Turkiga

43

Allaha u naxariistee waxaa dalka Turkiga ku geeriyooday xildhibaan Daa’uud Nuur Muuse oo ka tirsanaa baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland.

Marxuumka ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsanaa, islamarkaana xaalado caafimaad u aaday Turkiga oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Geeridiisa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee dalka.

Sidoo kale waxaa geerida ku timid xildhibaanka ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.