Xildhibaan Goodax Barre oo ka soo horjeestay Cali Guudlaawe

30

Wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada Soomaaliya, islamarkaana ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ah  Cabdulaahi Goodax Bare ayaa waxaa uu ka hadllay xaalada uu hada dalka maraayo iyo doorashada Soo socoto ee dalka ka dhaceyso.

Xildhibaan Goodax ayaa ka digay in Baarlamaanka soo socdo in uusan noqon baarllamaan Shabaab,waxana uu ku baaqay in nabad galyada iyo xasiloonida dalka la ilaaliyo.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax ayaa si adag uga so horjeestay dhismaha Maamulka Cusub ee Hirshabelle,

Xildhibaan Goodax Barre ayaa ku eedeyay Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle mid qabo caadifad qabiil oo aan xiligaan hogaamin karin Maamulkaasi

Sidoo kale waxaa uu ka digay in ciidamada Amisom aysan ku lug yeelan Qilaafka siyasadeed ee ka taagan Beledweyn .