Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland oo lagu dilay Magaalaada Kismaayo

98

Allaha u naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland ayaa xalay ku dhintay qarax lagula eegtay Magaalada Kismaayo.

Gaari nooca raaxada oo uu watay oo qaraxa loogu soo xiray ayuu kula qarxay, xilli uu maraayay xaafadda Farjano, wax yar uun ka dib markii uu ka soo baxay hoygii uu magaaladaasi ka deganaa.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanka uu goobtaasi ugu geeriyooday dhaawacyo culus oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa lagu dilay Xildhibaankaasi, oo ay sheegeen inuu ka mid ahaa xubnaha ku dhow dhow Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Mudanaha Baarlamaanka Jubbaland ka tirsanaa, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Kismaayo.

Qoraalka ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo Ku dhintay qarax ay gaarigiisa ku qarxiyeen kooxda argagixisada Al Shabaab. Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka iyo guud ahaan Shacabka Jubbaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid marxuumka, waxaana uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo qarabadii uu ka tagay.”

Xildhibaanka ayaa noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyay ee sanadkan lagu dilo dalka.