Xildhibaanada BF Soomaaliya oo kulan xasaasi ah beri yeelanaya

85

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maalinta beri ah kulan xasaasi ah ku yeelan doono xarunta Villa Haregeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa sida uu qorshuhu yahay waxaa looga hadli doonaa laba ajende, kuwaas oo kala ah Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka adeegyada Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed iyo Akhrinta 2aad ee Sharciga Hay’ada Socdaalka  iyo Jinsiyadaha.

Sidoo kale xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dhammaan lagu war-geliyay in ay berri soo xaadiraan kulankaasi.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ku jira Kalfadhigii ugu dambeeyey ayaa waxaa horyaallo hindise sharciyeedyo muhiim ah iyo sidoo kale jiheynta doorashada 2020/2021-ka