Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Guddoomiye KMG Ah Doortay

21

Wararka naga soo garaya Magaalada Jowhar ayaa waxa ay tilmamayan in Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ay Maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xilka loo idmaday, kadib Munaasabad ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada ayaa waxaa ka qeyb Mas’uuliyiin kala duwan oo kamid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka iyo marti sharaf kale oo lagu caasumay Munaasabadda Dhaarinta .

Guddoomiyaha Maxkmadda Rafcaan Hirshabeelle ayaa dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka kooban 99 Xildhibaan, halka markii horey ay u ahaayeen 90, hayeeshee dib looga soo daray xubnahaas oo horey aan loo shaacin.

Intaas kadib Xildhibaanada Baarlamaanka labaad dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa iska dhex doortay Guddoomiye KMG ah oo ka shaqeyn doona Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaas.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa Maxamuud Siyaad Barqadle u doortay inuu nqodo Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka, kaasi oo ah Ninka ugu da’da weyn Xildhibaanada Maamulkaas, isagoona aqbalay xilkaas.

Howsha ugu soo soo horeyso oo hortaal xildhibanad ayaa ah in ay doortaan gudoonka barlamnak maamulkaasi iyadoo lagu wado in shanta bishan ay dhacdo doorashada gudoonka ama Gudoomiyaha barlamanka Hirshabelle kadibna waxa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi