Xildhibaanada cusub ee Hirshabeelle oo maanta la dhaarinaayo

24

Wararka naga soo garayo Magalada jowhar ee xaruunta Gobolka Shbeeladda Dhexe ayaa Waxaa lagu waddaa in maanta lagu qabto munaasabad lagu dhaarinaayo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Hirshabeelle ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Munaasabada dhaarinta ayaa waxaa ka qeyb gali doonnaa Guddiga doorashooyinka maamulka Hirshabeelle.

sidoo kale waxa lagu waddaa in maalinta berri ah ay yeeshaan kulankoodii koowaad oo ay iska dhex dooran doonaan Gudoomiye KMG ah kaasi oo nooqn doono qofka ugu da’da weyn Xildhibaanada Maamulkaasi

Qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee dhawaan lasoo xulay ayaa tilmaamay  in maanta ay dhici doonto munaasabada dhaarinta.

Doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka waxaa lagu waddaa in ay dhacdo shanta bisha soo socoto.