Xildhibaanada HirShabelle Oo Maanta Doortay Guddoon Cusub

29

Xildhibaanada Labaad  Baarlamaanka dowlad Goboleedka  HirShabelle ayaa Maanta  doortay guddoomiye cusub, kadib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabelladda Dhexe.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa ku loolamay labo musharrax oo kala ahaa  Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan  Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir).

Codadka Doorashada ee la dhiibtay ayaa waxa ku Guuleystay Musharax Xildhibaan  Cabdixakiin Luqmaan oo helay 77 cod, halka musharraxii la tartamayey uu isna helay 21 cod.

Dhinaca kale Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa isna ku soo baxay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka labaad ee HirShabelle, kadib markii uu tanaasulay xildhibaankii la tartamayay oo lagu magacaabo, Saadaq Salaad Warsame.

Waxa xiligaan socoto codeynta doorashada guddoomiye ku xigeenka labaad oo ay u sharraxan yihiin Musharax  Xildhibaan Marwo Canab Axmed Ciise iyo  Musharaxa xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan.

Kadib waxaa xigi doonto doorashada madaxweynaha cusub ee HirShabelle iyo ku xigeenkiisa oo maalmaha soo socda ka dhici doonta magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ayaa waxa Xiligaan ka socdo ololo Doorasho oo ku aadan cidi nooqn laheyd Madaxweynaha Maamulkaasi