Xildhibaanada Kenya oo ka dooday Qilaafka Somalia & Kenya

27

Baarlamanka wadanka Kenaya ayaa ka dooday khilaafka diblomaasiyadeed ee xiligaan ka dhex bilaabmay labada dal Soomaaliya iyo Kenya oo ah mid sii xoogaysanaya.

Baarlamaanka dalkaasi ayaa ka yeesheen kulan ballaaran oo ay ku lafa gureen khilaafka labada dal.

Arintan ayaa daba joogta go’aankii ay Soomaaliya ugu yeertay danjiraheeda u fadhiya Nairobi, ee ay sidoo kalena ku wargelisay danjiraha Kenya u fadhiya Soomaaliya inuu dalkiisa wada tashi ugu noqdo.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in ay go’aankaa ku salaysay Kenya oo ay ku eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha deriska ah.