Xildhibaanada Mudullood iyo Duqa Muqdisho oo isku raacay Musharaxooda xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka

44

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Doorbin ayaa waxaa xalay ku yeeshay Xildhibaanada labada Aqal ee Beesha Mudullood ku metela Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay ku jireen Wasiiradii Xasan Cali Kheyre.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish, Wasiiro iyo 14 Xildhibaan ee Mudullood, iyadoo looga hadlay Isbedelkii Deg-dega ahaa ee Xildhibaanada Golaha Shacabka kalsoonidii ay ugala noqdeen Ra’iisul Wasaarihii dalka  Xasan Cali Kheyre iyo Xukuumaddiisii iyo in Beesha la wadaagto Madaxdaweynaha sida kursiga u daneynayaan.

Inta uu socday kulanka ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku metela Beesha Mudullood waxaa falanqeyn dheer ay ka yeesheen xaaladda dalka iyo shaqsiyada ay u arkaan inuu buuxin karo booska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ee ka imaanaya Mudullood.

Intaas kadib Xildhibaanada Beesha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa ku balamay in Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali uu Beesha Mudullood  ku metelo xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, sidoo kalena loo geeyo Madaxweynaha.

Xildhibaano ka qeyb galay kulanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Xildhibaanada ay isku raaceen Go’aankaas, isla markaana Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  kala hadlayaan sidii uu xilka Ra’iisul Wasaarenimo ugu magacaabi lahaa Cabduqadir Cosoble.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble ayaa kamid ah Xildhibaanada Mucaaradka ku ah dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, isagoo hoggaamiye ka ah Xisbiga Ileys kana tirsan Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ay ku jiraan Madaxweyneyaashii hore ee dalka ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Xarunta Madaxtooyadda ka socday kulamo siyaasadeed oo uu Madaxweyne Farmaajo la qaadanayay siyaasiiyiin iyo Mas’uuliyiin u hanqal-taagaya xilka Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo taas ay usii dheer tahay inuu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Galmudug  oo aad ugu ololeynaya in beeshiisa loo dhiibo xilka isagoo wada Madaxweynihi hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Axmed C/Salaam Xaaji Aadan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweynaha Hirshabeelle uu isna kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Farmaajo, isagoona wada siyaasiyiin iyo Xildhibaano ku heeb ah oo aan magacyadooda la helin, kuwaasi oo la doonayo in loo dhiibo xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Si kastaba Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble ayaa waxaa uu kamid ahaa Musharixiintii u tartantay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka sanadkankii 2017, isagoona helay Codad gaarayay 25 Cod, kuna haray wareega koowaad ee Doorashadaas, waxaa kaloo uu kamid yahay Siyaasiyiinta sida weyn ugu ololeynayay Maqaanka iyo Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka sare ee Dalka.