Xildhibaanada oo Beri yeelanayo kulan muhiim ah.

29



Berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 2 November ayaa lagu wadaa in kulanka Golaha Shacabka furmo waxaana looga hadli doonaa Ajendayaal dhowr ah.

Ajendayaasha kala ah: Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’ada Diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyadda iyo Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya.

Waxaa Berri oo isniin ah lagu wargeliyay dhamaan Xildhibaanada in ay ka soo qeybgalaan kulan weynihii Golaha shacabka baarlaamka Federaalka Soomaaliya.