Xildhibaano Cambaareyey Falkii Lagu Xasuuqay  Haween Oo Ka Dhacay Warshiiq .

35

Waxa soconayo weli dadka sida aadka ah u Cambareynaaayo  dhacdadii lagu dilay Hooyo & laba Carruur ah oo ay dhashay taas oo ka dhacday degaanka Xaluule ee duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay falkaasi ku tilmaameen mid arxan darro ah oo aan indhaha laga laaban Karin.

Xildhiban Cabduqaadir Caraboow & xildhibaan Mina Xasan Shibis oo labaduba Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabteen Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegeen in dilka arxan darrada ah ee loo geystay Hooyada iyo labada Carruurta ah aysan kaliya ku filneyn cambaareeyn, isla markaana loo baahan yahay insi deg deg ah looga jawaabo oo wax looga qabto.

Sidoo kale xildhibaanadaan ayaa  ugu baaqay  Dowladda Federaalka Soomaaliya & Maamulka Hir-Shabeelle in tallaabo degd eg ah ay ka qaadeen dadkii ka dambeeyay dilkaasi foosha xun inta aysan dhicin xiisad kale iyo fidno kale oo ka dhalata arrintaas.

Dhacdaan ka dhacday duleedka degmada warshiiq ayaa waxa ay abuurtay xiisad colaadeed iyadoo ay manata ciidamo ka tirsan kuwada dowlada ay halkaasi ku baxeyn .