Xildhibaano Fariin u diray madaxweeyne Farmaajo

49

Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Federaalka ayaa qoraal uu u diray Madaxweyne Farmaajo waxaa uu kaga codsaday inuu u caddeeyo ciidamada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea tiradooda inta ay tahay iyo goorta ay ku soo noqonayaan dalkooda, iyadoo Guddigu sheegay inay jirto cabasho ka soo gaartay waalidiin fara badan oo carruurtooda ay la’yihiin ayna soo gaartay warar sheegaya inay ku dhinteen dagaaladii ka dhacay Gobolka Tigray.

“Waxaan kaa codsaneynaa in aad cadeysid halka ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas tababarka loo qaaday lana xiriirisid waalidiintooda, waxaan kale oo aan kaa codsaneynaa in si degdeg ah loogu diro guddi dowladda iyo golaha shacabka ka kooban oo soo xaqiijiya noloshooda iyo geeridooda intaba”ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ah Guddoomiyaha Guddigan, kana mid ah Midowga Musharaxiinta ”

HOOS KA AKHRISO QORAALKA