Xildhibaano ka tirsan BF oo war ka soo saaray doorashada Hir-Shabeelle

32

Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheyn Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Hir-Shabeelle ayaa waxa ay uga Hadley xaaladda siyaasadeed ee hir-shabelle .

Xildhibaannadan ayaa ku taageereen in doorashada maamulkaas ay waqtigeeda ku dhacdo.

“Shir ay isugu yimaadeen Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan-doorashadoodu tahay Dowlad Goboleedka Hirshabeele ee ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa looga tashaday laguna gorfeeyay xaalaadaha siyaasadeed mid amni, bulsho iyo midda noolaleed ee ka jirta Dowlad Goboleedka Hirshabeele” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xildhibaanadaas.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa war-murtiyeedkan ku soo jeediyay in xilalka maamulkaas ay si siman ugu tartamaan beelaha Soomaaliyeed ee dega Hir-Shabeelle.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran