Xildhibanada Golaha Shacabka oo maanta Kulan xasaasi yeelanayo

106

Waxaa maanta lagu wadaa in xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa looga doodayaa sida uu qorshuhu yahay xeerka matalaada gobolka Banaadir iyo xeerka kuraasta gobolada waqooyi.

Labadaan xeer oo muhiim u ah doorashada soo socota ayaa waxaa soo gudbiyey guddiga wadajirka ah ee labada aqal ee loo xil-saaray diyaarinta xeerarka doorashada.