Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka KGS Dr Cali Saciid Faqi iyo Labadiisa Ku-xigeen ayaa Maanta Shir Guddoomiyey Kalfadhigii 2aad Kulankiisa 5aad
Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa Aqriska 2aad ee Hindise sharciyeedka hanta dhowrka Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaliya
Xildhibaano dhowr ah ayaa dood dheer ka keenay hindise sahrciyeedka la horkeenay ayagoo su’aalo ka weeydiinyey hanti dhowraha Dkgs
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka KGS Dr Cali Saciid Faqi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay jiraan dul-duleelo badan oo laysku raaci waayey wuxuuna sheegay in ansixinta hidise sharciyeedkaan dib loo dhigi doono waloow la filyeyey in maalinta birito la ansixiyo
Najah News Network