Xilliga Codka kalsoonida loo qaadayo Golaha Wasiirada oo la shaaciyay

55

Saacadihii la soo dhaafay waxaa qaar kamid ah Golaha wasiirada Cusub iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay yeelanayeen kulamo kala duwan, iyada oo Golaha Wasiirada Magacaaban ay codka kasloonida weeydiisanayeen Xildhibaannada.

maalinta berito oo Sabti ah  Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa waxaa ay u codeyndonaan  Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan soo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Barnaamijka Xukuumaddasi ay fulin doonto.

Kulanka beri ee Golaha shacabka ayaa ah mid codka  kalsoonida ah loo qaadi doono Golaha wasiiradda Magacaaban .

19-kii Bishaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu Magacaabay golihiisa Wasiirada, kuwaas oo hadii la ansixiyo aan waqti badan u heysan inay Shaqada laga sugayo qabtaan, maadaama waqtiga xilheynta Hay’adaha dowladda uu yahay geb-gabo lana gelayo doorashooyin.

Berito ayaa waxa loo badinayaa in xildhibaanada Golaha shacabka ay codka Kalsoonida ah ay u qaadan Xukuumadda Rooble oo ay ku  badan yihiin Xildhibaanada Barlamaanka .