Xisbiga Wadajir oo war xasaasi ah ka soo saaray heshiiskii Dhuusamareeb

28

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyey mowqifkiisa ku aadan heshiiskii lagu gaaray shirka Dhuusamareeb 3 ee ay wada saxiixeen Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Qoraalka ka soo baxay xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiska uu yahay qabyo, ayna ka maqan yihiin dowlad goboledyada qaar iyo saamileyda siyaasadda.