Xisbigii ugu horreeyey oo taageeray meel-marinta heshiiska doorashooyinka

56

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa taageeray, soona dhoweeyay meel-marinta heshiiska doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xisbiga ayaa waxaa lagu yiri ”Xisbiga Wadajir wuxuu bogaadinayaa go’aanka Baarlamaanka, wuxuuna ka xunyahay fursaddii uu Madaxweyne Farmaajo ka lumiyey shacabka Soomaaliyeee ee ahayd in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna baaq u diray Raysalwasaare Rooble.