Xog-haya Guud ee Ururka Suxufiyiinta aan xaduuda laheyn RFS oo ka hadlay dhibaatada Saxafiyinta Somalia

30

Waxaa maanta si wadajir magaalada Muqdisho shir jaraa’id ugu qabtay Xoghaya Ururka Suxufiyiinta aan xaduuda la’aheyn ee magacooda loo soo gaabiyo RFS Kiristof iyo xogahaya Ururka Suxufiyinta Soomaaliyeed ee Nosoj Cumar Faaruk Cismaan,

shirkooda jara’iiid waxaa uu yimid kadib Markii ay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul-wasaare Rooble iyo Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Somalia, iyagoona u bandhigay dhibaatooyin Suxufiyiin ay la kulmaan Dowlada Faderaalka ah ee Somalia, Maamul-goboleedyada iyo Al-Shabaab.


Ugu horreen waxaa warbaahinta la hadlay Kiristof oo ah Xogahaya Guud ee Ururka Suxufiyiinta aan xaduuda la’aheyn ee RFS, waxaana uu sheegay in dhammaan ay hordhigeen Madaxda Dowlada dhibaatooyin ay qabaan Suxufiyiin Muqdisho oo shalay kulan gaar ah ay la qaateyn.


Waa markii ugu horreysay oo uu xogahay Guud ee Ururka Suxufiyiinta aan xaduuda laheyn uu yimaado qaarada afrika, isagoon safarkiisa ugu horreeyey hataan ku jooga Muqdisho.