Xog Hoose: Magacyada xukumadda Rooble oo aan Helnay.

61

Warar Hoose oo aan helnay ayaa tilmaamay in caawa ama Galabta gelinka dambe lasoo magacaabayo Xukuumada cusub Ee DFS iyadoo Isha lagu wada hayo sida ay wax udhici doonaan iyo Xubnaha ka soo muuqan doono xukumada cusub

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa soo gaba gabeeyey maalmo ka hor wadatashiyo uu sameenayey siyaasinta madaxda dowlada odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Illo wareedyo Hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in liiska Golaha Wasiirada cusub at diyaarsanyihiin waxaa ka dhiman in la shaaciyo oo kaliya

Sida aan xogta ku helnay Wasiiradii hore qaarkood ayaa soo laaban doona,sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa in siyaasiyiin Caan ah ay soo geli doonaan Xukuumada Cusub ee Ra’iisul wasaare Rooble.

Magacyada Wasiirada Cusub qaarkood siiba kuwa ugu muhiimsan oo an helnay ayaa waxaa ka mid ah :

Wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha waxaa loo magacaabi doonaa Cali Yare Cali

Wasiirka Gaashandhiga waxaa uu noon doonaa
Abduqaadir Maxamed Nuur Jaamac

Wasiiru dowlaha Wasaarada Amniga Soomaaliya waxaa laga dhigi doonaa Aadan Cabdinaasir

Halka Wasiirka Tamarta & Macdanta loo magacaabi doono
Xasan Cabdi Nuur.
Sidoo kale waxa qeyb ka noqondoono qaar ka mid ah wasiirada hada joogo oo qaarkood isku shaandheyn lagu sameyndoono xilaalkooda.

Xubnahaan ayaa ah kuwa ugu cascade ee ka soo dhexmuuqan doono xukumada Roonle Waxaa macquul ah in wax walbo isbadel ku imaan karo.

Wixii ku soo kordho Halkaan ayaa kala socon doontaan