Xog muhiim ah :Muxu yahay ujeedka Kheyre ee dalka kenya?.

46

Magaalada Nairobi ee dalka kenya waxaa xiligan ku sugan qaar kamid ah Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo  Madaxweynaha Jubbaland , waxaana la filayaa in sidoo kale ay halkaasi tagaan siyaasyiin kale.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya gaaray halkaasi oo lagu soo dhaweeyay

Kheyre ayaa ololihiisa doorashada ka bilaabay dalal kamid ah Geeska Afrika.

Kheyre oo muddo Shan Maalin ah ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, isaga oo kala hadlay arrimo ku saabsan xaalada dalka iyo doorashooyinka.

Xasan Cali kheyre uu durba Magaalada Nairobi ka bilaabay kulamo uu la yeelanayo xubno ka tirsan dowladda,waxaana sidoo kale la filayaa in uu la kulmo Siyaasiyiin ku sugan Magaalada Nairobi.

Tan iyo marki kalsoonida ay kala labteen xildhibaanada Golaha shacabka ayaa waxaa uu bilaabay ololihiisa doorasho waxana uu shaaciyay in uu yahay musharax madaxweyne