Xog Muhiim ah oo laga helay Dokumenti ay soo bandhigeen Xisbiga Wadajir

27

Xog muhiim ah oo laga helay Dokumenti ay soo bandhigeen Xisbiga Wadajir ayaa la shaaciyay.


Xisbiga Wadajir oo uu hogaamiyo Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa soo bandhigay hantida Siyaasi Abdirahman Abdishakuur ku waayey weerarkii lagu qaaday sanadkii 2017.

Hantida hoos ku qoran ayaa xisbiga ka maqan, waxeyna dalbadeen in dib loogu soo celiyo. Waxey sheegeen in Hantidaan ay ku maqan tahay dhanka Madaxweyne Farmaajo,sida ay hadalka u dhigeen.

Hantida maqan ayaa waxaa lagu sheegay sidaan :
Gaadhi aan xabbadu karin oo ah $85,000.
Apple Mac Computer
Galaxy Mobile
3 Suud, 4 Surwaal, 7 Shaati
Perfume [Cadar].
Hard Disk
Laptop Surface pro 4
Iphone 6+
Glaxy 9
$35,000$
British Passport
Apple Disktop
2 Ookiyaal
Boorsada Laabtoobka
Jaajar
Garabaati
2 joog Kabo ah

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in weerarkaas ay ku waayeen hanti ku dhaw nus milyan dollar, markii laga reebo khasaarihii nafeed ee ka dhashay weerarkaasi lagu qaaday hoygiisa.

Wuxuu Kaloo sheegay in ilaa iyo hadda aan loo soo celin hantidaasi ku maqan gacanta dowlada.