Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abul-geyd ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka joogtada ah ee Somaaliya u fadhin doona Jamaacadda Carabta mudane Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar.
Safiir Ilyaas ayaa u gudbiyay xoghayaha salaan uu ka siday Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wasiirka arrimaha dibadda Mudane Maxamed Cabdirisaaq.