Xogta:Kenya Oo Ciidankeedii Xuduuda la baxday & Ciidanka XDS oo bilaabay dhaqdhaqaayo

32

Ciidanka wadanka Kenya ayaa bilaabay dib ugurasho dhinaca xuduuda sida ilo wareed lagu helay iyadoo dhaq dhaqaaqyo xoog leh askarta soomaaliyeed ay sameeyeen maalmihii lasoo dhaafay.

Kadib markii Taliyaha ciidamada xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo shalay kormeer ku sameeyey Ciidanka kusugan xaduudka Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya.

General Odawaa ayaa soo arkay godad ciidanka Kenya ka qoteen xaduud beenaadka ay lawadaagaan Soomaaliya.

Kenya ayaa dhawaan Dawlada Soomaaliya usoo dirtay warqad umuuqatay digniin in isku dhac dhanka Xaduuda labada dal ka dhaco maadaama labo jeer is rasaaseyn ciidamada Halkaasi Jooga.

Dib ugurashada ciidanka Kenaya ayaa imaaneyso xili Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ay muujiyeen geesinimo iyo in ay diyaar u yihiin difaaca dhulka Soomaaliya.