Xubnaha cusub ee golaha Wasiirada KGS oo maanta la dhaariyey

95

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabad Lagu Dharinayey Xubnaha Cusub ee Kamid noqday Golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.


Xubnaha Cusub ee Kamid noqday Golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee manata la dhaariyey ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka Dastuurka wasiirka batroolka iyo macdanta iyo wasiiru-dowlaha arimaha Gudaha wasiir ku xigeenka Dastuurka, ayadoo dhaarinta wasiirada ay ka maqnaayeen wasiir ku xigeeenka hawenka iyo xuquuqul insaaanka, wasiir ku xigeenka kheeyraadka iyo badda kuwaasi oo ku maqnaaa Safaro Shaqo,


Munaasada dhaarinta xubnaha cusub ee golaha Wasiirada Koonfur galbeed ayaa waxaa ka qeeybgalay madaxweeynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya mudane Cabdicasiis xasan Maxamed Lafta Gareeen iyo gudoomiyha maxkamada sare ee dowlad goboleedka KGS Dr ahmed cali muuse
Gudoomiyaha ayaana halkaasi ku dhaariyey xubnahaan Cusub


Madaxweeyne lafta gareen oo ka hadlay munaasabada dhaarinta ayaaa Wasiirada cusub kula dar daarmay in ay gutaan waajibaabka loo idmaday
Iyo masuuliyada lasaaray ayna qeeyb ka noqdaan hormarka KGS


HALKAAN KA DAAWO SAWIRADA