Tuesday, April 20, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Xubno ka socda Dowladda & Dowlad Goboleedyada oo shir uga furmay Muqdisho

Xubno ka socda Dowladda & Dowlad Goboleedyada oo shir uga furmay Muqdisho

35

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga Ganacsiga Beeraha Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Xubno ka socda dowlad goboleedyada dalka kajira.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cali Maxamed Sheekh Bagadi oo furay shirka Madasha Iskaashiga Ganacsiga Beeraha Soomaaliya, ayaa sheegay in shirkani yahay mid xoojinaya siddii wax-soo-saarka beeraha looggu heli lahaa suuqyo ganacsi oo dibaddeed.

Agaasime Ayaanle oo ku hadlayey Afka dawladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay inay dhankooda soo dhaweynayaan Madashan Iskaashi oo uu xusay inay ahmiyad weyn u lee dahay dhaqaalaha dalka.

Shirka ayaa la filayaa in geba-gabdiisa laga soo saaray Warmurtiyeed looga hadlayo iskaashi la xiriira dhanka ganacsiga, iyada oo sidoo kale Madaxda ka qeyb-galeysa ay talooyin soo jeedin doonaan