Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayey gobolka Sh/Hoose

203

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga  deegaanka Bariire ee gobolka Shabellada hoose waxa ay ku soo qabteen qaraxyo ay nabadiidka al-shabaab ay ku diyaariyeen duleedka bariire.

Taliyaha ururka 143 ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada xoogga dalka ka fuliyeen Bariire lagu soo qabtay qaraxyo ay nabadiidka Al-shabaab ku diyaariyeen duleedka deegaanka

Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sidoo kale sheegey  in ciidamada xoogga dalka ay soo saareen qaraxyo ay nabadiidka al-shabaab ku aaseen Tuuloyin hoostaga deegaanka ee gobolka shabellada hoose

Hawlgalka qaraxyada lagu soo qabtay ayey saraakiisha xoogga dalku sheegeen in lagu dilay maleyshiyaad ka tirsan nabadiidka kuwaasi oo uu tiradooda ay gaarayso 13-ruux, xilli ay doonayeen inay dhagar u maleegaan shacabka Soomaaliyeed.