Xubno Kamid Noqonaya Golaha Wasiirada KGS Oo La Dhaariyay

34

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Nur Macalin ayaa maanta dhaariyey Xubno cusub oo ka mid noqoneya Golaha Wasiirada  KGS.

Xubnahan ayaa waxaa dhawaan magacaabey Madaxweynaha Koonfur Galbeed wasiirada Maanta la dhaariyey ayaa kala ah wasiirka wasaaradda dallinyarada iyo ciyaaraha KGS Mudane Ibrahim Adan Cali Najah iyo wasiirka wasaaradda dastuurka Koonfur Galbeed Cumar Axmed Adan.

Munaasabada dhaarinta oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka soo qeyb galey wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka KGS.

Wasiirada cusub ee la dhaariyay oo uu kamid yahay gudoomiyhii hore ee gobolka Shabeelada Hoos Mudane Ibrahim Adan Cali Najah ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha KGS fursada uu u siiyay in markale uu bulshadiisa u shaqeeyo.

Wasiirka cusub ee dhalinyarada iyo ciyaaraha ee KGS Mudane Najah ayaa ah aqoonyahan da’yar oo horay hormar balaaran soo gaarsiiyay gobolka Shabeelada Hoose mudadii uu xafiiska fadhiyay iyadoo mar kale fursad loo siiyay in uu hogaamiyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiir ayaa dharintii maanta kadib qoraal uu soo dhigay bogiisa Facebook waxa uu ku sheegay in uu rajeenayo in dhalinyarada KGS ay wada shaqeyn doonaan isla markaana uu u dhaga nuglaan doona soo jeedinta iyo talooyinka dhlinyarada maadaama uu kursigaasi iyaga ku metalo.

Dad badan oo falanqeeya siyaasadda KGS ayaa aaminsan in Mudane Najah haatan loo magacaabay wasaaradii u  baahneyd madaama uu aad ugu dhawaa dhinaca dhalinyarada mudadii uu ahaa gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose.