Xukumadda DFS oo shaacisay xilliga lagu dhawaaqayo guddiga doorashooyinka.

26

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa markale ka sheegtay  in weli Maamul goboleedyada qaar soo gudbin Xubnaha ku matalaya Guddiyada Heer dowlad Goboleed ee doorashada iyo khilaafaadka.

Horay waxaa u jiray qaar kamid ah Maamul goboleedyada oo gudbiyay Xubnihii ku matli lahaa Guddiyada Heer dowlad Goboleed ee doorashada iyo khilaafaadka,basle ay jiraan Maamul goboleedyo aan soo dhameystirn.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan ayaa tilmaamay in heshiiskii doorashada  ee la gaaray uu qorshuhu ahaa in 10-ka Bisha Octoober Guddiyada la dhameystiro, hayeeshee cilad farsamo & dhisida xukuumadda Cusub ay dib u dhaceen.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa  sheegay in Dowladda dhankeeda ay diyaar ka yihiin Xubnaha Guddiyada ,basle ay jiraan maamul goboleedyo aan soo dhameystirin, hayeeshee Bisha November ayaa la guda geli doono dhameystirka Guddiyada doorashada.

Bulshadda Soomaaliyed ayaa waxa ay isha ku heysaa waxa ka soo baxa gudiyaaan la dhsiayo kuwaasi oo aan weli qaar ka mid ah la soo dhameytirin weli .