Xukumadda Somalia oo Wafdi qiimeyn amni ah u direysa Maamul Goboledyadda dalka

41

Wafdi heer sarre ah oo  ka socda Dowladda federalka  Soomaaliya ee uu hoggaaminayo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa lagu wadaa in saacadaha Soo socda  ay qaar kamid ah gobolada dalka ka bilaabaan kormeer la xiriira sugidda dhanka Amniga.

Wafdiga Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay kulan la qaadan doonaan Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug, iyaga oo kala hadli doona sidii loo dardar gelin lahaa sugida Amniga inta ay socdaan howlaha doorashooyinka.

Wafdigan Saraakiisha ah oo safarkooda ugu horeeya ku tagaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kormeer ku tegi doonaan Xarumaha loogu talo galay inay ka dhacaan doorashada Xildhibaannada labada Aqal, iyaga oo qiimeyn ku sameyn doona sida loogu diyaar garoobay & howlaha Amniga ee ka socda Goobaha ay ka dhacayana doorashooyinka .