Xukumaddda Rooble Oo Loogu Baaqay In Ay Faraha Kala Baxdo Doorashada Xubnaha Matala Somaliland.

36

Xukuumada federalka soomaaliya ayaa loogu baaqay in siyaasiyiinta gobolada woqooyi fursad loosiiso inay soo xushaan gudiga doorashooyinka xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Somaliland.

Xili Wali ay taagantahay doodda ku saabsan xubnaha guddiga doorashooyina qaranka iyo heer maamul gobaleed ku matali doono gobollada waqooyi ama Somaliland.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiyadaan qaarkood magacaabay kadib markii la sheegay in ay soo jeediyeen xubnaha wasiirada ee goballada waqooyi kuna jira Xukuumadda Rooble.

Siyaasinta iyo madaxda ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa qaba in arrimaha doorasahda kuraasak goboalda Waqooyi loo daayo Siyaasinta iyo dhaqanka dadka reer soomaliland maadama  awood qeybsiga dowlada Soomaaliay uu ku saleysan yahay nidaam qabali ah haddana aysan jirin maamul goboled matalada shacabak degaan gobolada waqooyi ee Somaliand taasi bedelkeeda ayaa waxa la soo jeeeedinayaa in masiirka siyaasiag ah ee xubnaha ku matalada kuraasta somalinad dhanka federalka loo daayo

Xildhibaan  Maxamed Xasan ayaa sheegay in loo baahnayahay in talada iyo maamulka xildhibanada ka soo jeeda Somaliladn loo daayo siyaasintooda ku matala dowlada dhexe

Sidoo kale waxa uu ka digay in ay gacan ku yeeshaan madaxda ugu sareysao dowlada federalak ee waqtigeedu uu sii dhamnaayo wuuxu soo jeediyay in doorashada ay noqoto midi djacday sanadii 2016 ki

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday guddiyadaan, waxa uuna ku tilmaamay sharci darro iyo xagudub ay ku kacday Villa Somalia.