Xukunka lagu riday Rag loo haysto weerar ka dhacay Xabsiga Dhexe.

41

Kow  iyo toban Eedeysane oo isugu jiro Ciidamada Asluubta , Xunkusanayaal iyo Garsugayaal ayaa lala xariiryay weerarkii  loo adeegsaday bambooyinka  iyo Bistooladaha  ee ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar  10-kii August

Hey’adaha Baarista Ciidamada Amniga iyo Guddi ay u saartay baaridda dhacdadaasi Xukummadda ay ugu dambeyn ku wareejiyeen Gabagabada dhacdada Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo  awood u leh dhaqaajinta Gal-dacwadeedkaas.

Eedeysane Mubarak Ibraahiim Iidle oo horay ugu xukunaa 10 sano oo xabsi Ciidan ah ayaa ahaa Gacanta hore weerarka, waxa uuna Nolosha u aqoonsaday Maxamed Yusuf Toxow iyo Muqtar Cabdullaahi Muuse, sidaas ayuuna kaga baxsaday dhabarka dambe ee Xabsiga.

Edeysane Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) oo isaga ahaa dadkii loo xiray lacaga Online ka ah ee Soomaali badan ka gaartay qasaaraha waxa uu ahaa qofka sida gaarka ah Maxaabiista kaga iibiya Qudaarta laakiin mid kamid ah raggi qorsheeyay weerarka uu soo dhex marsiistay Hubkiisa.

Wejiyo  kala duwan oo Maxkamadeed iyo Baaritaanno muddo dheer qaatay ayaa  Maanta Maxamadda  ka soo saartay, Go’aan waxaana lagu kala xukumay sidaan

1-ugu Horeyn Mubarak Ibraahiim Iidle ayaa Maxkamada ku xukuntay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan

2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf ayaa Maxkmaddu ku wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta  oo ay ka wada tirsanaayeen.

5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna Mxkamdda  ku xukuntay 3-sano oo xabsi Ciidan ah.

6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa Maxkamadda ku  xukuntay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.

7-Maxamed Nuur Maadeey8-Maxamed Maxamuud Mataan 9-Cumar Xasan Abtidoon iyo 10-Isaaq Geedi Ibraahim oo Iyana kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi Ciidan ah

 Halka ugu dambeyntii  Cabdi Axmed Maxamuud oo Asluuta aha ay Maxkamaddu dambi ku weyday, Sida uu nala wadaagay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa  haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Kiis kaan dacwada ah ayaa waxa wada sugayay dhamana Bulshadda Soomaaliyed basle Maanta ayaa waxaa Maxkamadda ay ka soo saartay Go’aankaasi .