Xukuumadda Faah Faahisay Shirka Guddiga Farsamada Uga Socda Baydhabo

41

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir Wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa faah faahin ka bixiyay Shirka shalay guddiga uga furmay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Saalax Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in shirka looga hadlayo qodobadii lagu mari waayay shirkii Madaxda dhawaan ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee natiijo la’aanta kusoo dhammaaday.

Waxaa uu sheegay Wasiir Saalax Axmed in shirka sigaar ah looga doodayo sidii loo xalin lahaa saddexda qodob ee khilaafka uu ka taagan yahay doorashada, kuwaasi oo kala ah arrinta Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland, Guddiyada la magacaabay iyo arrinta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee Somaliland.