Xukuumadda federalka somalia oo ka hadashay Mas’uul lagu dilay Magaalada Muqdisho

16

Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ka hadashay Abuukaate ka tirsanaa Wasaaraddaas oo maqribnimadii Caawa lagu dilay xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa la tilmaamay inay dileen Abuukaataha oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdi Maxamed, isagoo u geeriyooday xabbado lagu dhuftay.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda ayaa waxaa ay tacsi ugu dirtay Ehelada Marxuum Cabdullaahi Cabdi, waxaana ay xaqiijiyeen in lagu dilay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Raggii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda iyo qaar kamid Ehelada Marxuumka oo meydka qaaday.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo ay geysteen rag hubeysan, waxsaana dilalkaas ay qeyb ka noqonayaa dilal horey uga dhacay Muqdisho.