Xukuumadda & Ganacsatada Muqdisho oo guddi u saaray xakameynta COVID-19

15

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa kala hadlay in ay kaalintooda ka qaataan xakameynta  iyo la tacaalidda cudurka Covid-19 ee dalka ku soo laba kacleeyay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka xukumadda xilgaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Warbixin dheer ka siiay Ganacsatada xaaladaha Cudurka Coronavirus, iyada oo sheegtay in xaalad halis ah uu kujiro dalka.