Xukuumadda oo Madaxweyne M/Goboleed kala hadashay qoondada Haweenka

16

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay Wasiirka Haweenka Xukuumadda xilgaarsiinta Xaniifa Maxamed Ibraahim iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada ee Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlaayay xaqiijinta qoonddada haweenka 30% ee doorashada dalka ka dhaceysa iyo sidii Galmudug doorashada soo socota haweenka ugu garab istaagi laheyd.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa soo dhaweeyay dadaallada ay hormuudka tahay Wasiir Xaniifa oo la doonayo in lagu adkeeyo, isla markaana lagu xaqiijinayo doorka haweenka Soomaaliyeed ku yeelanayaan doorashada loo madlan yahay.

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda ayaa ku howlan sidii loo ilaalin lahaa saamiga haweenka Soomaaliyeed ku yeelanayaan goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa ka mid ah barnaamijka u ololeynta qoondada haweenka 30% ee doorashooyinka dalka, waxaana ka qeyb galay Guddoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Jawaahir Baarqab iyo qaar ka mid ururada bulshada Rayidka.