Yey u badan tahay inuu ku guuleysto doorashada madaxweynaha Mareykanka?

30


Madaxweynaha mareykanka Trump iyo musharraxa Xisbiga dimuquraadiga sida adag loollanka u galinaya, Jose Biden ayaa si aad ah isugu dhow xilli ay wali socoto tirinta codadka doorashada.

Natiijada kama dambeysta ah ee doorashada ayaa u muuqata mid mindi caraddeed saaran, iyadoo labada musharrax ay sugayaan tirinta codadka dhowr gobol oo aad muhiim ugu ah.

Kooxda hoggaamineysa ololaha Mr Biden ee xisbiga Dimuqraaddiga ayaa sheegtay in tartanka “uu ku soo gabagaboobay guul dhinacooda usoo hoyata”.

Halka Mr Trump, oo ka socda xisbiga Jamhuuriga ayaa horayba u sheegay inuu guuleystay, wuxuuna wacad ku maray inuu natiijada soo baxda la tiigsan doono maxkamadda ugu sarreysa waddanka Mareykanka, isagoo aan bixinin caddeymo muujinaya musuqmaasuq uu ku eedeeyay in lagu sameeyay doorashada.

Labada musharax ayaa ah kuwa si aad ah isugu dhaw marka la eego nation hordhac ah.

Wali si cad looms saadaalin karo sida ay noqondoonta doorasha balse codadka ilaa iyo hada la dhintay waxaa hogaaminayo Mr Jose Biden oo gobolo badan guul ka kenay.